NISA oo Howlgal gaar ah ka fuliyay jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada Hay'adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka dowladda Federaalka Soomaaliya [NISA], ayaa ka fuliyay saaka howlgal qorsheysan wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Howlgalkan oo ahaa mid ballaaran ayaa Ciidamada waxay guri-guri u baareen deegaanada Weydow iyo Tareedishe, waxaana ay kusoo qabteen boqolaal qof oo u badan dhalinyaro looga shakiyay inay la shaqeeyaan Al Shabaab.

Inta uu socday baaritaanka, waxay Ciidamada NISA xireen wadada muhiimka ah ee ka baxda Muqdisho, islamarkaana aad dhanka gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo loo diiday gaadiidka inay isticmaalaan.

Dhalinyarada lagu soo qabtay Howlgalka ayaa lagu isagu geeyay meelo banaan ah, oo lagu kala saarey, iyadoo kuwa laga shakisan yahay loo soo qaaday dhanka Muqdisho, oo lagu xiray xarunta CID-da.

Howlgalkan ayaa waxay Saraakiishaha hay'adaha amniga dowladda Soomaaliya sheegeen in lagu xaqiijiyanayo amaanka deegaanada Weydow iyo Tareedishe, oo mudooyinkii dambe ka dhacayeen falal amni darro iyo qaraxyo.

Kolonyada Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa mudooyinkii dambe qaraxyo miido lagula eegnayay wadada u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye, kuwaasi oo lagu dilay Askari iyo dad shacab ah.

NISA ayaa ka shakiyay deegaanada uu howlgalka ka dhacay inay ku dhuumaalaysanayaan xubno katirsan Al Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM