​NISA oo qabatay hub iyo mallayshiyo katirsan Shabaab

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU- Hay'adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya, ayaa galabta gacanta ku dhigtay mallayshiyaad katirsan kooxda Shabaab iyo hub si qarsoodi ah magaalada loo soo galiyay.

Ciidamada katirsan NISA, ayaa gacanta ku dhigay baabuur laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa galinkii dambe ee maanta, waxaana taasi suura galisay in la sameeyo howlgal sahlay soo qabashada afar oo ruux oo katirsan kooxdaasi.

Dadka lasoo qabtay oo dhammaantooda rag ahaa, ayaa laga soo qabtay deegaanka Ceelasha Biyaha, waxaana ku jiray horjoogihii hubka soo saaray baabuurka.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga C.kaamil Macalin Xirsi oo la hadlay wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegay in ciidamada Hey’adda NISA ay ku qabteen gaari waday hab kadibna galabta ay qaadeen howlgal kale oo laga sameeyay deegaanka Ceelasha Biyaha halkaas oo lagu soo qabqabtay ilaa 4 qof oo uu ku jiro horjoogihii hubka iyo qaraxyada gaariga ku soo raray.

“NISA ayaa qaaday howlgal waxaana ku soo qabqabanay illaa 4 ruux, Hub iyo Aaladaha loo adeegsado walxaha qarxa, waxaana la doonayay in dilal iyo qaraxyo looga geysto magaalada Muqdisho,”Ayuu yiri Mudane C.kaamil.

Maaha markii ugu horaysay oo sidaan oo kale gacanta lagu dhigayo waxyaabo ladoonayay in lagu khalkhal galiyo ammaanka caasumadda Soomaaliya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Mucaaradka oo Isku Haya Doorashooyinka iyo Dastuurka Soomaaliya

Xiisaddan siyaasadeed ayaa imanaysa iyadoo ay weli jirto walaac laga qabo jihada mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    21-02-2026

  • 10:42PM

Halkee Marayaa Shirkii u Dhexeeyey Golaha Mustaqbalka iyo Dowladda Federaalka?

Go’aankan ayaa yimid kaddib markii ay guul-darraysteen dadaallo hore oo lagu doonayay…

  • Soomaliya

    21-02-2026

  • 03:08PM