Nuxurka khudbadii uu madaxweyne Biden ka jeediyay QM

Image

WASHINGTON, Mareykanka - Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Talaadaii maanta khudbad ka jeediyay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee fadhigiisii ​​78aad.

Madaxweynaha ayaa yiri: "Dunidu waxay wajaheysaa caqabado ba'an, maantana waa inaan horumar sameynaa, taasna waxay ka bilaabataa Qaramada Midoobay."

Waxuu intaas ku daray: “Mustaqbalkeennu waa mid, mana jirto ummad awood u leh inay keligood wajahaan caqabadaha adag ee wajahaya caalamka”.

Biden ayaa ka digay kororka afgambiga militari ee Afrika iyo qatarta dhibaatada isbedelka cimilada ay ku leedahay caalamka oo dhan.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay ka go’an tahay in Iran aysan marnaba helin hubka Nukliyeerka.

Ugu dambeyn, Biden ayaa sheegay in weerarka Ruushka ee Ukraine uu khatar gelinayo ammaanka dhammaan dalalka caalamka. Isagoo sheegay inuu sii wadi doono taageerada uu siiyo Ukraine.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM