Olole liddi ah Soomaalida oo ka bilowday qaar kamida dalalka Carabta

Image

KHAAHIRA, Masar – Natiijo xun ayaa ka dhalatay go'aankii ay Dowladda Soomaaliya dhexdhexaad uga noqotay loolanka Masar iyo Itoobiya, sidda lagu sheegay maqaal lagu daabacay joornaalka Al-Araby Al-Jadeed.

Sidda lagu sheegay faaladan uu Al-Shafi’I Abtadoun, olole ka dhan ah Soomaalida ayaa ka bilowday qaar kamid ah Khaliijka markii xukuumadda Muqdisho ay mowqifkaas ka sheegtay Shirkii Jaamacada Carabta.

Ololahaas oo ay wehliyaan fariimo bahdil iyo aflagaado ah oo hawada loo marinayey Soomaalida waxaa wehliya codsiyo ku saabsan in laga musaafuriyo wadamadaas "maadaama ay u hiilin weyday qadiyad Carab".

Warbaahinta Masar, sidda ku cad maqaalka, ayaa si gaar ah u baahineysay sheekooyinka ka dhanka ah Soomaalida kadib shaacinta aragtida xukuumada Muqdisho.

Soomaalida oo ku nool wadamada Carabta ayaa isugu jira; qaar waxbarasho u doontay, qaar shaqo u raadsaday, kuwa ganacsiyo ku leh iyo qoysas degaan ahaan ugu nool. Si lamid ah, tirro kale oo dalxiis ahaan u taga.

Masar iyo Itoobiya ayaa isku haya dhismaha biyo xireen laga hirgelinayo webiga Nile, kaas oo Addis Ababa dooneyso in ay koronto ka dhaliso, balse Khaahira ay ku sheegtay in uu halis ku yahay amnigeeda iyo dalageeda.

Ururka Midowga Afrika ayaa bilaabay dedaalo uu ku qaboojinayo xiisada laga cabsi qabo in ay gacan ka hadal isku rogto maadaama ay olole milatari bilaabeen labada dal.

Inkasta oo Soomaaliya xustay in ay dhexdhexaad ka tahay xiisada, safiirka u jooga Itoobiya, C/xakiim Camey, ayaa si furan ugu sheegay saxaafada in ay la safan yihiin Addis Ababa, arrintaas oo shakiga xoojisay.

Siyaasiyiinta gudaha oo midnimo u muujiyey Khaahira ayaa ku dhaliilay dowladda federaalka in ay dhexdhexaad ka noqotay qadiyadan, iyagoo ku sifeeyay mowqifkaas "mid u adeegaya waddanka Itoobiya".

Hogaamiyeyaasha haatan ka kala arimiya Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa sanadkii hore waxay kala saxiixdeen heshiisyo ay ku yeelanayaan iskaashi dhaqaale, mid amni iyo qorshe ay ku mideynayaan is-dhexgalka Geeska Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya oo cabsi amni darteed u diiday Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya inuu dalkeeda galo

Dowladda Kenya ayaa masaafurisay Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji.

  • Soomaliya

    29-06-2026

  • 07:56AM

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM