Pentagon oo xaqiijisay dhimashada hogaamiyaha Al-Shabaab

Image

Jimce, September 05, 2014 [ GO]- Wasaarada Gashaandhiga Mareykanka ayaa xaqiijsay maanta [Jimcaha] dhimashada hogaamiyihii ururka Al-Shabaab, Ahmad Abdi Godane kadib markii Isniintii la soo dhaafey lala beegsadey Gantaal gaari uu saarna.

Xoghayaha u qaabislan saxaafada Wasaarada Gashaandhiga Mareykanka [ Pentagon] Rear adm. John Kirby ayaa qoraal kooban ku soo saarey in hogaamiyihii Al-Shabaab lagu diley weerarkaas. Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa ku tilmaamey guul laga gaarey la dagalanka argagixisada.

" Godane dhimashadiisa waa guul la gaarey, islamrkaana waxey dhabar jab ku tahay ururka ugu weyn oo gacansaarka la lahaa Al-Qacida kaasoo fadhigiisu yahay wadanka Somalia [Africa], waxeyna ka tarjumeysaa talabadaan dadaalka dhibka badan oo ay muujiyeen sirdoonka Mareykanka." ayaa lagu sheegey qoraal kaso baxey Aqalka Cad ee Mareyknka.

Dowlada Marekanka ayaa dhinaca kale sheegtey iney tageereyso howlgalada la dagaalanka Al-shabaab kuwaasoo ah mid ciidan, dhaqaale iyo diblomaasiyeed.

Afhayeenka u hadley Wasarada Gashaandhiga Mareykanka Mr.Kirby ayaa sheegey iney ogaayeen dhimashada Ahmad Godane maalintii Isniinta balse xaqiijin dambe loo baahnaa.

Hogaamiyaha Al-Shabaab ayaa intii uu madaxda ka ahaa ururka Al-Shabaab fuliyey weeraro ka dhan ah dowlada Federaalka, maalmulada dalka ka jira sida Puntland, hay'daha QM iyo wadamada dariska la ah Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo mar kale usoo gurmaday Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweynaha Jubaland ayaa la sheegay inuu xalay heshiis kale dhex-dhigay Xasan Sheekh iyo Laftagareen.

  • Soomaliya

    21-09-2024

  • 06:01AM

Golaha Wasiirada Jubaland oo ka shiray la dagaalanka kooxda AS

Wasaarada Amniga gudaha ayaa golaha la wadaagtay xogta howlgalada socda iyo khasaaraha.

  • Soomaliya

    19-09-2024

  • 01:40PM