Puntland oo cadeysay mowqifkeeda ku aadan wax-ka-bedelka dastuurka

Image
Wasiir Juxa ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku howlan yahay baabi’inta Federaalka.

Garowe, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Puntland Cabdi Faarax Juxa ayaa Maanta wareysi uu bixiyay waxa uu kaga hadlay mowqifka Puntland ee ku aadan wax ka bedelka dastuurka.

Wasiirka ayaa sheegay in Puntland aysan aqbali doonin in wax laga bedelo dastuurka xitaa haddii Baarlamaanka uu ansixiyo, isaga oo intaasi ku daray in talada ay dhex taalo dadka reer Puntland.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku howlan yahay baabi’inta Federaalka, oo ay talada ku uruurto gacanta koox gaar ah, taasoo laga diiday madaxdii ka horreysay sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka wasiirka ayaa ku soo aadaya xili magaalada Garoowe uu ka dhacay kulan looga hadlayay xaalada dalka, waxaana la filaya qodobada ka soo baxay inay ka mid noqdaan in lagu baaqo Shir Qaran oo hal dhinac looga soo wada istaagaayo wax ka beddelista Dastuurka.

Waxaa la filayaa in kulankaan uu ka duwanaado kii uu ku baaqay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, kadib markii “Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka baaqsaday ka qeyb galka Wadatashigaas” sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha.

GAROWE ONLINE

 

 

 

Related Articles

Qaramada Midoobay oo taageertay in wadahadal lagu xaliyo khilaaf doorasho iyo dastuur 

Qaramada Midoobay ayaa tilmaantay in madashani ay muhiim u tahay xoojinta wadajirka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 12:58PM

Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay Kudhaa kadib dagaal culus

Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub ay ciidamada ka furteen Al-Shabaab, oo katirsan Al-Qaacida.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 09:40AM