Puntland oo diidey go'aanka dowlada Federaalka

Image

MUQDISHU-Wadahadallo ka socday magalada Muqdishu balse ay ka maqnaayeen madaxda ugu saraysa dowladda Federalka Somalia( Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Gudoomiye Maxamed Sheekh Cusman), ayaa laga soo saaray qoraal la sheegay in lagu dhisi doono habraaca doorashada 2016.

Qoraalka soo baxay ayaa lagu xusay in aqalka sare ee (SENATE-ka) dolwad goboleed kasta laga siiyo 8 xubnood markii lagareebo Puntland iyo Somaliland oo min 3 xubnood dheer dowlad goboleedyada kale.

Wadarta xubnahaas ayaa noqoneysa 54 xubnood oo ka kala imaan doona 6 maamul goboleed oo kala ah.

  • Jubbaland
  • Puntland
  • Somaliland
  • Koonfur galbeed
  • Galmudug
  • Hiiraan iyo shabeelle

Balse, xubnaha Barlamanka ama aqalka hoose ayaa la sheegay in lagu soo xuli doono nidaamkii hore ee 4. 5, waxaana arrintaas gaashaanka ku dhufatay Puntland.

Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdishu ayaa warbaahinta u sheegay in go'aankaasi uusan waafaqsanayn aftidii shacabka reer Puntland, ka Cabdiwali ahaanna uusan ku matalayn waxa soo baxay.

Wuxuu sheegay inuu talo galyo ahaan dib ugu celin doon dadka reer Puntland, wixii go'aan gaaris ahna ay iyagu leeyihiin.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli xal wadajir ah loo raadinayo habraaca doorashada dalka Somalia ka dhici doonta 2016, waxaana jira kala aragti duwaan xooggan oo ka dhex aloosan dowladda Federalka iyo maamullada xulafada la ah, halka Jubbaland iyo Puntland ayaa iyago mowqifkoodu kusalaynaa deegaan, laakiin go'aanka soo baxay waxaa gooni uga istaagtay Puntland oo ku doodaysa inuusan sharci ahayn maxsuulka kasoo baxay wadatashiyada Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM