Qaar ka mid ah Mas’uuliinta lagu eedeeyay Musuqmaasuqa oo dib u helay xorriyadooda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa shaacisay natiijada eedeymaha loo soo jeediyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo ku saabsan musuqmaasuq, lunsasho hanti dadweyne.

Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir ayaa faah faahin ka bixiyay xukunnada laga soo saaray eedeysanayaasha oo ka kala socday Wasaaradaha Maaliyadda iyo Shaqada,, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo Bangiga Dhexe

Maxkamada ayaa 6 Eedeysane oo lagu soo eedeeyay Musuq maasuq ku xukuntay Xabsi u dhaxeeya Hal sano ilaa Sagaal sano,halka 5 ka mid ah Eedeysanayaasha lagu waayay wax dambi ah.

Eeddeysanayaasha dib loogu soo celiyay xorriyadooda ayaa kala ah:

1- Aadan Maxamed Cabdi: maamulaha qaadashada Visaha ee waaxda Viso kordhinta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.
2- Cabdiwaaxid Mursal Ibraahim: shaqaale ka tirsan qaybta ruqsad siinta ajaaniibta waaxda sharciga ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada .
3- Cabdullahi Maxamed Cali: agaasimihii hore ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada
4- Maxamed Cadde Mukhtaar Cabdiraxmaan: agaasimihii hore ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada.
5- Cabduqaadir Cabdi Socdaal oo isna ahaa qasnjiga qaybta dakhliyada ajaaniibta ee Bankiga Dhexe, laantiisa garoonka Aadan Cadde.

Xildhibaan C/raxmaan Odowaa oo ka tirsan golaha Shacabka, ayaa ka hadlay natiijada ka soo baxday Maxkamadda, isagoo dalbaday in dadka dambiyada lagu waayay lagu soo celiyo xilalka ay hayeen.

La dagaalanka Musuqmaasuqa ayaa qeyb ka ah barnaamijka Xukuumadda Dan Qaran iyada oo loo xiray shaqsiyaad badan oo jagooyin ka hayay hay’adaha kala duwan ee dowladda walina sii socda baaritaano uu sameynayo xafiiska Hantidhowrka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM