UN: Heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland fursad buu u abuuray AS

Image
Wakiilka UN-ka u qaabilsan Soomaaliya ayaa ugu baaqdey madaxwayne Xasan Sheekh inuu ku adkeysto jawaabta uu ka bixiyay is-fahamkan.

NEW YORK, USA - Wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka niyab-jabeen in kulankii Midowga Afrika uu qaboojin waayey xiisada Soomaaliya iyo Itoobiya.

Catriona Laing oo la hadleysay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay waxa ay sheegtay in wadahadal loo baahan yahay in ay labada dal ku wajahaan khilaafkooda.

"1dii Janaayo, Itoobiya iyo "Somaliland" waxay ku dhawaaqeen Is-afgarad (MoU) kaas oo la sheegay in Itoobiya looga kireeyay dhul xeebeed 20 kiiloomitir muddo 50 sano ah si ay faa'iido siyaasadeed iyo dhaqaale u hesho "Somaliland." Faahfaahinta heshiiska MOU oo dhammaystiran lama hayo, laakiin ku dhawaaqida ayaa kicisau cadawtinimo xooggan oo shacabka Soomaaliyeed ka muujiyeen," ayay tiri.

Laing ayaa raacisay: "Waxa kale oo welwel leh in la arko Al-Shabaab oo ka faa’iidaysanaysa xaaladdan oo u noqotay fursad ay ku hesho xubno badan. Waxaan garwaaqsanahay in dareenka xooggan ee ka jira Soomaaliya uu cadaadis ku saarayo dowladda inay ka jawaabto, waxaana ku dhiirigelinaynaa madaxweynaha inuu ku adkeysto jawaabta uu bixinayo".

"Waxaan ku cel-celinayaa hadalka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo xasuusiyay in Golaha Ammaanku uu dhowr jeer caddeeyay inay ixtiraamayaan madax-bannaanida, wadajirka dhuleed iyo midnimadda Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay galaan wadahadal nabadeed oo wax dhisaya, lagana fogaado hadalada xanafta leh ama ficilo sii kicin kara xiisadaha," ayay xustay.

Diblumaasiyada ayaa kusoo xirtay hadalkeeda: "Xaaladdan waa in lagu xalliyaa wadahadal wax ku ool ah. Arrinkaas, waxaa wax laga xumaado ah in aan wax horumar ah oo la taaban karo laga gaarin shirkii ugu dambeeyay ee Midowga Afrika".

GAROWE ONLINE

Related Articles

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM

Uganda oo xiriirka difaaca u jartay Türkiye, malaayiin dollarna ku waayi karta Soomaaliya

Arrintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan sida loo maalgelin doono howlgalka iyo in dalalka ciidamadooda ku sugan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 06:03AM