Qaramada Midoobay oo xaqiijisay war dhowaan uu baahiyay Garowe Online

Image
Waxuu isbedelkan imaanayaa xili khilaaf siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xog uu baahiyay Garowe Online maalmo kahor, ayaa waxaa maanta xaqiijiyay xafiiska QM ee Muqdisho UNSOM United Nations Assistance Mission in Somalia - UNSOM, taasoo ahayd in la bedelayo Catriona Laing.

Maanta, Catriona Laing ayaa shaacisay inay soo afjarayso shaqadeeda Soomaaliya 21-ka May 2024, iyadoo noqonaysa ergaygii ugu waqtiga gaabnaa oo UN-ka usoo magacaabo dalka.

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing, ayaa soo gebagebeynaysa hawsheeda bisha Maajo.

“Waxaan kalsooni buuxda ku qabaa in Soomaaliya ay guuleysan doonto isla markaana Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay, oo ay wehliyaan saaxiibadayada caalamiga ah, ay sii wadi doonaan dowrka muhiimka ah ee lagu taageerayo dadka Soomaaliyeed ee ku socda waddada nabadda iyo xasilloonida – shakhsi ahaan, Soomaaliya waxay ii tahay goobta rajada iyo saaxiibtinimada, waana sii wadi doonaa taageerada iyo u qareemidda Soomaaliya meel kasta oo aan joogo,” ayay tiri Mw. Laing, oo sidoo kale ah Madaxa Xafiiska Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

Hawshii loo xilsaaray Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee halka sano ahayd waxay ku egtahay 21ka bisha Maajo.


Waxuu isbedelkan imaanayaa xili khilaaf siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka, oo Soomaaliya kala qeybiyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo taageertay in wadahadal lagu xaliyo khilaaf doorasho iyo dastuur 

Qaramada Midoobay ayaa tilmaantay in madashani ay muhiim u tahay xoojinta wadajirka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 12:58PM

Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay Kudhaa kadib dagaal culus

Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub ay ciidamada ka furteen Al-Shabaab, oo katirsan Al-Qaacida.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 09:40AM