Qarax ay maleegeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo la fashiliyey

Image
Image

KISMAAYO, Jubaland – Sirdoonka Jubaland ayaa Isniinta maanta ah sheegay in uu ka hortagey qarax ay dagaalamayaasha Al-Shabaab doonayeen in ay "ku dhibaateeyaan dad shacab ah".

War qoraal ah oo lasoo dhigay barta Facebook ee NISA-Jubbaland ayaa la xusay in fashilinta weerarkaas ay ka dambeysay markii ay ciidanku soo saareen miino ay xoogaga meel ku aaseen.

Hase ahaatee, bayaanka oo ahaa mid kooban ayaa waxaanan lagu caddeynin degaanka ay arrintaan ka dhacday, marka laga reebo in lagu qeexay in ay tahay meel ku dhow Webiga Jubba.

"Ciidanka oo daba socday xogna ka hayay damaca cadawga ayaa Miinadan idiin muuqato ka soo saaray goob ay argagixisadda geliyeen oo wabiga qarkiisa ah waxaana ay damacsanaayeen in ay gudaha tuulada soo geliyaan hase ahaatee waa laga hortagay dhagartooda," ayaa lagu yiri.

War-saxaafadeedka ayaa la raaciyey: "Laba asbuuc ka hor ciidanka Nabad Sugida Jubbaland waxaa ay fashiliyeen isku day noocaan oo kale ahaa aaga Yoontooy ayagoo Miinnoyin fashiliyay".

Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan sheegashadda ciidamadda oo kasoo baxay dhanka maleyshiyadda Al-Shabaab.

Ciidamadda Jubbaland ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay wadday dhaqdhaqaaqyo ay ku doonayeen in ay ku sugaan ammaanka degaanadda Jubbaland oo Al-Shabaab ku xoogan tahay.

Mas'uuliyiinta maamlka Axmed Madoobe ayaa ku adkeystay in ay ka go'an tahay sidii argagixisada uga saari lahaayeen meelaha ay haatan ka maamulaan degaanada hoostagga dowlad goboleedkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweeney Lagu Xukumay 15 Sano ka Dib Ururinta $1.2 Milyan oo Al-Shabaab loogu Maalgaliyay

“Dhammaan dadka ku lugta leh falalkan halista ah waxaa la horkeeni doonaa sharciga si cadaaladda loo waafajiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska.

  • Soomaliya

    16-09-2025

  • 11:46AM

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM