Qarax ay maleegeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo la fashiliyey

Image
Image

KISMAAYO, Jubaland – Sirdoonka Jubaland ayaa Isniinta maanta ah sheegay in uu ka hortagey qarax ay dagaalamayaasha Al-Shabaab doonayeen in ay "ku dhibaateeyaan dad shacab ah".

War qoraal ah oo lasoo dhigay barta Facebook ee NISA-Jubbaland ayaa la xusay in fashilinta weerarkaas ay ka dambeysay markii ay ciidanku soo saareen miino ay xoogaga meel ku aaseen.

Hase ahaatee, bayaanka oo ahaa mid kooban ayaa waxaanan lagu caddeynin degaanka ay arrintaan ka dhacday, marka laga reebo in lagu qeexay in ay tahay meel ku dhow Webiga Jubba.

"Ciidanka oo daba socday xogna ka hayay damaca cadawga ayaa Miinadan idiin muuqato ka soo saaray goob ay argagixisadda geliyeen oo wabiga qarkiisa ah waxaana ay damacsanaayeen in ay gudaha tuulada soo geliyaan hase ahaatee waa laga hortagay dhagartooda," ayaa lagu yiri.

War-saxaafadeedka ayaa la raaciyey: "Laba asbuuc ka hor ciidanka Nabad Sugida Jubbaland waxaa ay fashiliyeen isku day noocaan oo kale ahaa aaga Yoontooy ayagoo Miinnoyin fashiliyay".

Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan sheegashadda ciidamadda oo kasoo baxay dhanka maleyshiyadda Al-Shabaab.

Ciidamadda Jubbaland ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay wadday dhaqdhaqaaqyo ay ku doonayeen in ay ku sugaan ammaanka degaanadda Jubbaland oo Al-Shabaab ku xoogan tahay.

Mas'uuliyiinta maamlka Axmed Madoobe ayaa ku adkeystay in ay ka go'an tahay sidii argagixisada uga saari lahaayeen meelaha ay haatan ka maamulaan degaanada hoostagga dowlad goboleedkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM