Qarax ismiidaamin oo lagu weeraray xarunta gobolka Banaadir

Image
Lama caddeyn karo khasaaraha dhimasho iyo dhaawac. Laamaha ammaanka ayaan wali war kasoo saarin falkan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Ismiidaamin ah oo goor dhow ka dhacay agagaarka xarunta maamulka gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo jugtiisa aad loo maqlay ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhacay wadada marta dhabarka dambe ee xarumaha waaweyn ee ka soo horjeeda degmada Xamarweyne.

Lama caddeyn karo khasaaraha dhimasho iyo dhaawac. Hase ahaatee, waxaa la sheegayaa inuu jirto waxyeelo badan. Laamaha ammaanka ayaan wali war kasoo saarin falkan.

Booliska Soomaaliya ayaa qoraal uu soo saarey waxa uu ku sheegay in saddex qof ay ku nafwaayeen qaraxa ka dhacay agagaarka xarunta gobolka Banaadir ee Muqdisho.

"Degmada Xamar weyne, Maanta 16 Jan 2024, abaaro 11:40Am, yaa qof naftii haligaa isku qarxiyay banaanka hore ee  makhaayada Alhindi. Qasaaraha ka dhashay, ayaa ah Dhimasho 3 iyo Dhaawaca 2 qofood oo goobta ka dhawaa," ayuu yiri. 

Qoraalka ayaa intaas la raaciyay: "Ciidanka Boliiska oo goobta ka dhawaa ayaa eryanayay Hafti-haliga, wuxuuna qarxay isaga oo ciidanka ka cararaya. Hada, Ciidamada amaanka ayaa goobta ku sugan waxaan socota baarista, si aan wax faahfaahsan dadka ula wadaagno". 

Falkan waa qaraxii koowaad ee ka dhaca caasimada Soomaaliya sanadkan cusub 2024 wallow bilooyinkii u dambeeyay ay ahayd mid xasiloon taasoo ka dhalatay howlgalo culus oo joogto ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM