Qarax ka dhacey garoonka diyaardaha magaalada Baledweyne

Image

BALADWEYNE, Hiraan- Waxaa qarax dhaawacyo gaystey ka dhacey afaafka hore ee garoonka diyaardaha magaalada Baladweyne ee gobolka Hiraan.

Wararka hordhaca ee ka imaanaya magaaladaas ayaa sheegaya in qaraxaan ku dhaawacmeen lix qof oo labo kamid ah tahay Booliska ilalilaya garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baladweyne.

Sarkaal u hadlay booliska ayaa sheegey in qaraxaan lagu soo qariyey boorsooyin islamarkaana uu ku rakibnaa computer nooca loo yaqaan Lap top halka mid  kale lagu guuleystey in laga furo makiinada printer.

Gashaanle dhexe Cali Dhuux oo la hadlay Radio Garowe, ayaa sheegey boorsooyinkaan loo wadey in la saaro diyaarada goobta ka duuleysay iyo in laga soo dajiyey balse xusey in qaraxaan ka dhacey irida hore ee garoonkaan.

Wuxuu tilmaamay in howlgalkaasi loo qabtay in kabadan 20 ruux, isagoo intaasi raaciyay in weerarada oo kabadnaa Lap Top-ka qarxay fashiliyeen ciidamada ammaanka garoonka.

Taliye Cali Dhuux, ayaa weerarka ku eedeeyay inay ka dambeeyeen ururka Al-Shabaab.

Dhowaan ayey aheyd markii diyaarad ay leedahay shirkada Daalo lala fuuley qarax lagu qariyey computerka Lap Top taasoo khasaaro u gaystey diyaarada halka uu ku dhintey qof la rumeysan inuu ahaa qofkii fulin lahaa howshaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM