Qarax ka dhacy duleedka Balcad iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

BALCAD, Soomaaliya - Ugu yaraan hal ruux ayaa ku dhintay, mid kalena wuu ku dhaawacmay qarax saaka ka dhacay duleedka degmada Balcad, ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Mas'uuliyiinta maamulka degmada ayaa xaqiijiyay in qaraxa uu ka dhashay miino wadada qarkeeda lagu aasay, oo haleeshay Gaari shacab oo marayay aagga Haan-Sheekh, oo ku dhaw Balcad.

Qofka ku geeriyooday qaraxa ayaa ahaa Darawalka Gaariga, iyadoona dhaawac uu kasoo gaarey Kirishbooyga kaasi oo la dhigay Isbitaalka degmada Balcad, sida ay Warsidaha Garowe Online u sheegeen Saraakiisha caafimaadka.

"Gaari Nooca loo yaqaano Dheenada oo Dhuxul doonayay ayay Miinadu la kacday xili uu marayay halka Haan-sheekh oo u dhow tuulada Gololeey ee degmada Balcad, waxaana ku dhintay Darawalka oo lagu magacaabi jiray Bishaar," ayuu yiri qof kamid ah dadkii tagey goobta oo la hadlay Garowe Online.

Lama oga cida ka dambaysay qaraxan, balse wadada xiriirisa Balcad iyo Jowhar ayaa ahayd meel Al Shabaab ka fuliso weeraro ka dhan ah Kolonyo ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda oo lagula eegtay miinooyin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM