Qarax Khasaaro gaystey oo ka dhacay degmada Mandheera

Image
Qaraxa ayaa ka dhacay hotel yar oo ku dhow saldhiga degmada.

Mandheera (GO) - Wararka ka imaanaya degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay qarax khasaare nafeed iyo mid hantiyadeed geystay.

Qaraxa ayaa ka dhacay hotel yar oo ku dhow saldhiga degmada, lamana oga ilaa hadda in saldhiga qaraxa lala eegtay iyo in kale.

Sida ay sheegayaan wararka hordhaca ah dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxan, iyadoo dadkii ku dhaawacmay loo qaaday isbitaalka si halkaasi loogu dabiibo.

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka rasmiga ah oo ku aadan dhacdadan, sidoo kale ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda AS ayaa muddooyinkii dambe kordhisay weerarada ay ka geysanayaan goobaha amni ee ku kala yaala Soomaaliya iyo gudaha Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo taageertay in wadahadal lagu xaliyo khilaaf doorasho iyo dastuur 

Qaramada Midoobay ayaa tilmaantay in madashani ay muhiim u tahay xoojinta wadajirka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 12:58PM

Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay Kudhaa kadib dagaal culus

Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub ay ciidamada ka furteen Al-Shabaab, oo katirsan Al-Qaacida.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 09:40AM