Qarax Khasaaro gaystey oo ka dhacay degmada Mandheera

Image
Qaraxa ayaa ka dhacay hotel yar oo ku dhow saldhiga degmada.

Mandheera (GO) - Wararka ka imaanaya degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay qarax khasaare nafeed iyo mid hantiyadeed geystay.

Qaraxa ayaa ka dhacay hotel yar oo ku dhow saldhiga degmada, lamana oga ilaa hadda in saldhiga qaraxa lala eegtay iyo in kale.

Sida ay sheegayaan wararka hordhaca ah dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxan, iyadoo dadkii ku dhaawacmay loo qaaday isbitaalka si halkaasi loogu dabiibo.

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka rasmiga ah oo ku aadan dhacdadan, sidoo kale ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda AS ayaa muddooyinkii dambe kordhisay weerarada ay ka geysanayaan goobaha amni ee ku kala yaala Soomaaliya iyo gudaha Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM