Qarax ku wajahnaa Kenya oo lagu qabtey Beled-Xaawo

Image

KISMAYO, Soomaaliya - Saraakiisha maamulka Jubbaland ayaa shaaciyay inay kahor tageen maanta oo Axad ah qarax loo waday dalka Kenya.

Ciidamada amaanka Jubbaland ee ku sugan Beled Xaawo ayaa qabtey miinooyin iyo waxyaabaha kale ee qaraxyada laga sameeyo oo saaran gaari kaasi oo ka gudbayay Xuduuda Soomaaliya la wadaagto Kenya.

Xog ay heleen ciidamada Nabad Sugida Jubbaland ayaa horseeday qabashada qaraxa, kadib howlgal ay ka sameeyeen magaalada Beled Xaawo. Lama sheegin in la qabtey dadkii watay qaraxa.

Magaalada Beled Xaawo waxaa ku sugan saraakiil sare iyo wasiiro ka socda Jubbaland kuwaasi oo u tagey halkaasi xalinta dibadbaxyo dadka deegaan uga soo horjeedaan darbiga Kenya ay ka dhisayso magaalada.

Ciidamada Kenya ayaa la sheegay inay kusoo xadgudbeen xuduuda, oo ay billaabeen inay dhismo ka billaabeen magaalooyin gudaha Soomaaliya ku yaalla oo Beled-Xaawo ay kamid tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM