Qarax lagu weeraray Kolanyo ka tirsan ciidamada Kenya [Fahfaahin]

Image

MANDHEERA - Xoogaga Al-Shabaab ayaa sheegtay in Qarax Miino ay kula eegteen ciidamo ka tirsan Booliska wadanka Kenya duleedka Magaalada Mandhere ee gobolka Woqooyi Bari ee dalka Kenya.

Afhayeenka dhinaca howlgala ee Al-Shabaab Cabdi Caziiz Abu Muscab ayaa u sheegay warbaahinta ku hadasha afka Shabaab in weerarkaan ay khasaaro ku gaarsiiyeen ciidamada Kenya, ee qeybta ka ah AMISOM.

Wuxuu tilmaamay in khasaaraha uu isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur lixaad leh oo soo gaaray Kolanyada ciidamada Kenya ay wateen, kuwaasoo ku socdaalayay Wadada duleedka Mandheere.

Balse, ma jirto illaa iyo haatan wax war ah oo ku saabsan qaraxa, oo kasoo baxay saraakiisha Degmada Mandheere, kuwa gobolka iyo Taliska ciidamada Booliska Kenya, marka laga soo tago sheegashada kooxda Al-Shabaab.

Asbuucii hore ayay ahayd markii weerar kan lamid ah oo ka dhacay magaaaldda Garissa looga dhaawacay ciidamada Kenya Lix sarkaal oo Boolis ah, uuna jiro burbur soo gaaray Gaadiid ay la socdeen.

Sidaasi si lamid ah, bishii hore ee May, weerar Miino loo adeegsaday oo ka dhacay xadka Soomaaliya iyo Kenya ayaa lagu dilay saraakiil Boolis ah, waxaana ku dhaawacmay askar kale.

Kenya ayaa la daalaandhaceysa Mowjado weeraro ah, kuwaasoo uga yimaada Al-Shabaab tan iyo markii ay ciidamadeeda soo galeen Soomaaliya 16-kii bishii October ee sanadkii 2011-kii, si ay howlgalka AMISOM ugu biiraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pakistan iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca iyo amniga

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyay Pakistan taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 02:28PM

Sheekh Shariif: Ciidamada Qaranka waxaa laga weeciyay dagaalka Al-Shabaab

Khamiistii, ciidamada Puntland ayaa la wareegay saldhig ku yaalla Boosaaso oo ay hore u deganaayeen ciidamo hore loogu yiqiin PSF.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 06:50AM