​Qarax lala eegtay ciidamada maamulka Koonfur Galbeed

Image

Waxaa maanta qarax lala eegtay ciidamo katirsan kuwa maamulka Koonfur Galbeed oo ku sii jeeday deegaanka Daynuunaay oo lagu tababaro ciidamada maamulkaasi, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.

Hal askari ayaa dhintay 7 kalena, waxaa soo gaaray dhaawacyo kala jaad ah, waxaana qaraxaasi ka dhashay miino dhulka lagu aasay.

Ciidamada ayaa ka baxay magalada Baydhabo, waxaana weerarka sheegtay ururka Shabaab ee ka dagaallanta dalka Somalia.

Ma aha markii ugu horeysay ee ururka Al-Shabaab uu weeraro noocan oo kale ah uu ku qaado ciidamada dawladda Somalia iyo maamulka Koonfur Galbeed.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM