Qarax mas'uul uu ku dhintay oo ka dhacay Beledweyne

Image

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhimatay, qaar kalena way ku dhaawacmeen qarax Maanta ka dhacay magaalada Beledweyne, oo qiyaastii 350-KM dhanka waqooyi uga beegan Muqdisho.

Saraakiisha amniga ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa miino lagu aasay Makhaayad ku yaalla afaafka Saldhiga Booliska, waxaana ku geeriyooday duqii Feer-Feer Khaliif Garaad Rooble iyo Gabar askar ahayd.

Sidoo kale, taliyaha saldhiga booliska Maxamed Qoorsheel kaasoo dhaawiciisa la dhigay isbitaalka magaaladda. Qarax ayaa lagu soo waramayaa inuu ahaa miino gudaha makhaayadda lagu aasay xalay, kadibna la qarxiyay markii ay dad badan yimaadeen.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda qaraxa, oo kusoo aadaya xili howlgallo military ay ka socdaan gobollada dhexe, kuwaasoo lagula dagaalamayo Al-Shabaab oo mudo ka badan 10 sano dagaal kula jirta dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM