Qarax mas'uul uu ku dhintay oo ka dhacay Beledweyne

Image

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhimatay, qaar kalena way ku dhaawacmeen qarax Maanta ka dhacay magaalada Beledweyne, oo qiyaastii 350-KM dhanka waqooyi uga beegan Muqdisho.

Saraakiisha amniga ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa miino lagu aasay Makhaayad ku yaalla afaafka Saldhiga Booliska, waxaana ku geeriyooday duqii Feer-Feer Khaliif Garaad Rooble iyo Gabar askar ahayd.

Sidoo kale, taliyaha saldhiga booliska Maxamed Qoorsheel kaasoo dhaawiciisa la dhigay isbitaalka magaaladda. Qarax ayaa lagu soo waramayaa inuu ahaa miino gudaha makhaayadda lagu aasay xalay, kadibna la qarxiyay markii ay dad badan yimaadeen.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda qaraxa, oo kusoo aadaya xili howlgallo military ay ka socdaan gobollada dhexe, kuwaasoo lagula dagaalamayo Al-Shabaab oo mudo ka badan 10 sano dagaal kula jirta dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM