Qarax gaari oo ka dhacay agagaarka Madaxtooyadda Soomaaliya

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax loo maleynayo in uu ka dhashay gaari kaasoo jugtiisa si weyn looga maqlay Muqdisho, caasimadda Soomaaliya, ayaa Arbacada maanta ah dhacay.

Warar horudhac ah oo soo baxaya ayaa ku waramaya in weerarka oo aysan wali jirin koox sheegatay uu ka dhacay inta u dhaxeysa isgoyska Dabka iyo Sayid ee magaalo madaxda.

Goobjoogeyaal la hadlay warsidaha GO ayaa ku waramaya in gaariga uu ku qarxay kontarool laga ilaaliyo Madaxtooyadda Soomaaliya.

Bartilmaameedka falkan ayaa ah mid aan wali caddeyn, inkasta oo meesha uu ka dhacay uu ku yaalo mid kamid ah kontaroolada ugu muhiimsan ee xarumo dowladeed.

Qaraxaan, oo laga cabsi qabo in uu khasaaro xoogan sababo, ayaa noqonaya falkii ugu horeeyay liddi ku ah ammaanka oo sanadkan cusub ee 2020-ka ka dhaca Muqdisho.

Sawirro laga qaadey meelo fog-fog ayaa muujinaya uuro iyo qiic badan oo hareeyay goobta uu qaraxu ka dhacay oo mashquul badan xiliga uu weerarku dhacay.

Taliska Booliska oo si kooban ula hadlay Garowe Online ayaa sheegay in laamaha ammaanka ay sugeen amniga meesha ay wax ka dhaceen dibna ka bixinayaan tafaasiisha.

28-kii December, 2019, Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerar is-miidaamin oo ku dhowaad 100 qof oo shacab u badan ku dilay isgoyska Ex-kontarool Afgooye ee Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM