Qaraxyo culus oo ka dhacay nawaaxiga Madaxtooyadda Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qaraxyo culus ayaa goordhaw laga maqlay nawaaxiga aqalka madaxtooyadda Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, kaasi oo laga maqlay qeybo kamid ah magaalada.

Goobjooge la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in qaraxyada uu ka dhacay agagaarka Beerta Nabada oo u dhow Hotelka SYL ee Muqdisho, waxaana xigay rasaas xooggan oo wali socota.

Wararak ayaa intaasi ku daraya in qarax labaad laga maqlay Isgoyska Ceel-Gaabta, oo kamid ah meelaha laga ilaaliya amaanka Villa Soomaaliya, kaasi oo lala beegsaday Koonatroolka Ciidamada ay ka joogaan Beerta Nabadda.

Lama oga khasaaraha qaraxyada oo kusoo beegmaya xilli maalmo kahor weerar qarax iyo mid toos ah isagu jiray lagu qaadey xarunta Otto Otto oo kasoo horjeeda dhisamaha Baarlamaanka, halkaasi oo ay degan yihiin Wasaaradaha amniga iyo gudaha.

Fahfaahin filo goordhaw.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM