Qaraxyo ka dhacay Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

MUQDISHO, Somalia - Fahfaahino kala duwan ayaa laga helayaa qaraxyo culus oo ka dhashay Miinooyin wada la geliyay oo ka dhacay Ex-kontarool Balcad ee Waqooyi-Bari magaalada Muqdisho maanta oo Axad ah, sida ay xaqiijiyeen laamaha amniga.

Jugta qaraxa ayaa si wayn looga maqlay degmooyinka ku teedsan aagaasi ayaa lala beegsaday kolanyo ay wateen ciidamada midowga Afrika ee AMISOM, kuwaasi oo doonayey in ay gudaha caasimada soo galaan.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in mid kamid ah Miinooyinka ay la kacday Booyad kamid ahayd gaadiidka xoogaga shisheeye, taasi oo waxyeelo adag ay soo gaartay.

"Markii la qarxiyay gaadiidkooda way joojiyeen…goobo ganacsi ayay galeen kahor inta aaney rasaas kor-u-ganin, iyaga oo dadka su’aallo waydiiyey, kadibna way isaga tageen meesha," ayuu yiri Goobjoogaha.

Mas'uuliyiinta degmada oo goobta ay wax ka dhaceen tegay ayaa sheegay in uu jiro khasaaro u badan dhaawac oo soo gaarey ciidamada nabad-ilaalinta u jooga dalka, inkasta oo aan la hubin tirada.

Warar qaar ayaa intaasi ku daraya in qaraxa labaad oo isla goobta ka dhacay markii ay yimaadaan ciidamada dowlada Soomaaliya ay ku dhaawacmeen 5 askari, kuwaasi oo qaarkood ay liidato xaaladooda.

Ma jirto koox dhabarka saaratay mas'uuliyada dhacdaan, balse, dagaalamayaasha Al-Shabaab ee cilaaqaadka tooska ah la leh Ururwaynaha Al-Qaacida ayaa ku caan-baxay bartay falalka noocaan ah.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii isla meel ku dhow halka uu ka dhacay weerarkii ciidamada AMISOM lagula beegsaday, inkasta oo la tilmaamay inaanu jirin waxyaalo kasoo gaartay qaraxaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM