Qaraxyo ka dhacay Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Labo qarax oo loo adeegsaday baabuur walxaha qarxa lagu soo xiray ayaa maanta oo Jimco ah ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho, ee Caasimadda Soomaaliya.

Qaraxa hore ayaa ka dhacay duhurnimadii maanta Bar Koonatrool oo ku taalla meel ku dhaw Isgoyska KM4, oo aadda dhanka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle, halkaasi oo Ciidamo katirsan NISA ay ku sugan yihiin.

Goobjooge ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in ninkii wadey Gaari oo kaliya uu ku dhintay qaraxa kaasi oo is qarxiyay kadib markii loo diiday inuu goobta ka gudbo. Saddex Askari oo NISA katirsan ayaa la sheegay inay weerarka ku dhaawacmeen.

Saacad kadib, qarax kale oo Gaari ah ayaa ka dhacay Bar Koontrool oo Ciidamada dowladda Soomaaliya ku leeyihiin Wadada Seybiniyaanno, oo ku dhaw Isgoyska Banaadir.

Gaarigan oo ay la socdeen saddex qof ayaa isku dayay inuu xoog uga gudbo Barta Koontarool, iyadoo Ciidamada ay toogteen dadkii saarnaa, kadibna uu sidaasi ku qarxay gaariga.

Inta la xaqiijiyay labo Askari oo Ciidamada NISA katirsan ayaa ku geeriyooday qaraxa, marka lagu daro saddexda Al Shabaab waxay ka dhigaysaa khasaaraha qaraxa dambe guud ahaan 5 qof.

Weeraradan oo Al Shabaab ay sheegatay ayaa u muuqday kuwa lala damacsanaa in maanta lagu beegsado xaruumo muhiim ah oo ku yaalla Muqdisho, balse laga hortagey.

Maanta oo Jimco ah waxaa xiranaa wadooyinka ugu muhiimsan magaalada Muqdisho, waxaana ujeedka lagu sheegay in wadada Maka Al-mukarama lagu qabanayo Tartanka Orodka gaaban (Mini Marathon). 

GAROWE ONLINE

Related Articles

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM

Uganda oo xiriirka difaaca u jartay Türkiye, malaayiin dollarna ku waayi karta Soomaaliya

Arrintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan sida loo maalgelin doono howlgalka iyo in dalalka ciidamadooda ku sugan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 06:03AM