Qaraxyo kale oo ka dhacay Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Labo qarax oo sababay khasaarooyin kala duwan ayaa saaka ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho, ee Caasimadda Soomaaliya.

Labada qarax oo ahaa miinooyin ayaa midka hore wuxuu ka dhacay Isgoys ku yaalla Xaafadda Oodweyne ee degmada Deyniile, kaasi oo lala eegtay Gaari nooca raaxadda, ee loo yaqaano CARIB.

Ugu yaraan labo ruux, oo mid kamid ah yahay Askari ayaa ku geeriyootay qaraxa, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay saddex kale oo shacab ah, kuwaasi loola cararay xaruumaha Caafimaadka Muqdisho.

Wax yar kadib, qarax kale oo isna loo adeegsaday miino dhulka lagu aasay ayaa ka dhacay Wadadaa Warshadaha ee magaalada, kaasi oo Saraakiisha amaanka ay sheegeen inuusan geysan wax khasaaro ah.

Ciidamada dowladda ayaa gaarey goobta, oo xiray jidka Warshadaha, iyagoo sameeyay baaritaanno culus oo aan cidna lagu soo qaban waxaana markii dambe dib u fureen isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyada labada qarax, oo dhacay maalin kadib markii qarax Gaari uu 5 ruux ku dilay banaanka dhisamaha Wasaaradda arrimaha gudaha ee ku yaalla Isgoyska Sayidka.

Weerarada qaraxyada ah ayaa kusoo badanaya mudooyinkii dambe magaalada Muqdisho, xilli uu jiro khilaad siyaasadeed oo xooggan, islamarkaana Madaxda sare ee dalka ay ku mashquulsan yihiin Mooshinka laga keenay Gudoomiyaha Gollaha Shacabka, Maxamed Cismaan Jawaari.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM