Qaraxyo xoog leh oo goordhaw ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Labo Qarax oo culus ayaa goordhaw laga maqylay bartamaha magaalada Muqdisho, kaasi oo warar kala duwan ay kasoo baxayaan khasaaraha ka dhashay.

Goobjooge la hadlay Warsidaha Garowe Online, ayaa xaqiijiyay in qaraxyada ay ka dhaceen nawaaxiga Isgoyska Sayidka, oo kaabiga ku haya xarunta Gollaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in qaraxyada lala eegtay ciidamada katirsan Nabad Sugida oo bar-koonatarool ku leh Isgoyska Sayidka, iyadoo uu ka dhashay khasaarooyin kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac isagu jira.

Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka, waxaana ay intaasi ku dartay in dagaalyahanadeeda ay gudaha galeen.

Goobta ay qaraxyada ka dhaceen waxaa ku taalla Xarunta Wasaarada Arrimaha Gudaha, oo billooyin kahor ay sidan oo kale qarax gaari uga dhacay, kaasi oo Askar iyo shacab ay ku dhinteen.

Fahfaahinta qaraxyada, kala soco wararkeena dambe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM