QM oo raadinaysa qorshe cusub oo lagu ciribtirayo Burcad-badeeda

Image

NAIROBI, Kenya - Jaime Serpanchy, Xoghayaha Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan La-dagaallanka Burcad-badeedda ayaa sheegtay in Soomaaliya ay u baahan tahay inay yeelato ciidamo badeed si loo yareeyo dhaqdhaqaaqa Burcad-badeeda.

Waxay sheegtay in weerarada Burcad-badeeda ka fuliyaan Biyaha Soomaaliya, iyo meelaha ka baxsan ay yihiin kuwa hoos u dhacay sanadihii dambe, iyadoo taasi sabab uga dhigtay dedaallada ay sameeyeen Ciidamada Midowga Yurub ee ku sugan xeebaha dalka.

Jaime Serpanchy ayaa hadalkeeda ku dartay in Xeebaha Soomaaliya ay yihiin kuwa amaankooda ugu yaraan leysku haleen karo, islamarkaana waqti xaadirkaan aysan ku lahayn Kooxaha Burcad-badeeda awood badan oo ay howlgalo ku sameyn karaan.

Laakiin, waxay carabka ku adkeysay in loo baahan yahay in si buuxda loo ciribtiro Burcad-badeedda, si taasi loo gaarana ay lagama maarmaan tahay in Soomaaliya yeelato ciidamo badeed awood badan, oo hanan kara mas'uuliyadda amaanka xeebahooda.

Hadalka Jaime ayaa kusoo beegmaya xilli xukuumadda Soomaaliya mar sii horeysay shaaca ka qaaday inay wado qorshahaas Ciidamada badda dib loogu soo nooleynayo.

Hadalkaan ayay ka sheegtay Jaime kulan saddex cisho socday oo ka dhacay magaaladda Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, kaasoo xaaladda amni ee xeebaha Soomaaliya iyo arrimaha Burcad-badeeda looga hadlay.

Shirkaan ayaa waxaa kasoo qeybgalay 200 xubnood oo isugu jira Khubaro dhanka amaanka ah, Sharci-dejiyaal, iyo waliba wakiilo ka socday 68 dowladood, kuwaasoo isla fallanqeeyay qaabka ugu haboon ee looga hortegi karo Burcad-badeeda Soomaalida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Ma doonayno in Israa’iil noo timaaddo oo dhibaatooyin noo keento

Wuxuu tallaabada Israa’iil ku tilmaamay mid “aad u murugo leh,” isaga oo ku baaqay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah.

  • Soomaliya

    31-12-2025

  • 08:48PM

Dowladda Soomaaliya oo xoojisay dagaalka siyaasadeed oo ka dhanka qaar ka tirsan maamulada dalka

Su’aal ay dad badan is weydiinayaan ayaa ah sababta si gaar ah Puntland ….

  • Soomaliya

    30-12-2025

  • 06:24PM