QM oo raadinaysa qorshe cusub oo lagu ciribtirayo Burcad-badeeda

Image

NAIROBI, Kenya - Jaime Serpanchy, Xoghayaha Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan La-dagaallanka Burcad-badeedda ayaa sheegtay in Soomaaliya ay u baahan tahay inay yeelato ciidamo badeed si loo yareeyo dhaqdhaqaaqa Burcad-badeeda.

Waxay sheegtay in weerarada Burcad-badeeda ka fuliyaan Biyaha Soomaaliya, iyo meelaha ka baxsan ay yihiin kuwa hoos u dhacay sanadihii dambe, iyadoo taasi sabab uga dhigtay dedaallada ay sameeyeen Ciidamada Midowga Yurub ee ku sugan xeebaha dalka.

Jaime Serpanchy ayaa hadalkeeda ku dartay in Xeebaha Soomaaliya ay yihiin kuwa amaankooda ugu yaraan leysku haleen karo, islamarkaana waqti xaadirkaan aysan ku lahayn Kooxaha Burcad-badeeda awood badan oo ay howlgalo ku sameyn karaan.

Laakiin, waxay carabka ku adkeysay in loo baahan yahay in si buuxda loo ciribtiro Burcad-badeedda, si taasi loo gaarana ay lagama maarmaan tahay in Soomaaliya yeelato ciidamo badeed awood badan, oo hanan kara mas'uuliyadda amaanka xeebahooda.

Hadalka Jaime ayaa kusoo beegmaya xilli xukuumadda Soomaaliya mar sii horeysay shaaca ka qaaday inay wado qorshahaas Ciidamada badda dib loogu soo nooleynayo.

Hadalkaan ayay ka sheegtay Jaime kulan saddex cisho socday oo ka dhacay magaaladda Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, kaasoo xaaladda amni ee xeebaha Soomaaliya iyo arrimaha Burcad-badeeda looga hadlay.

Shirkaan ayaa waxaa kasoo qeybgalay 200 xubnood oo isugu jira Khubaro dhanka amaanka ah, Sharci-dejiyaal, iyo waliba wakiilo ka socday 68 dowladood, kuwaasoo isla fallanqeeyay qaabka ugu haboon ee looga hortegi karo Burcad-badeeda Soomaalida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo iyo Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo

Dagaalkan ayaa ku soo beegmaya xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    30-03-2026

  • 09:01AM

Walaac Laga Muujiyay Qoraallada Wasiirka Dekadaha DFS ee hurinta colaadda sokeeye ee Koonfur Galbeed

Ma aha wax la aqbali karo in Wasiirka Dekadaha uu noqdo af-hayeenka ciidanka ama qofka sheegaya goobaha ay qabsanayaan.

  • Soomaliya

    30-03-2026

  • 08:50AM