Qoor-qoor oo magacaabay wasiiro ka dhimanaa xukuumadiisa

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor] ayaa wasiiro cusub u magacaabay Wasaaradaha Qorsheynta & Horumarinta Dhaqaalaha iyo Xanaada Xoolaha.

Labadaan wasaaradood ayaa nan qeyb ka ahayn shaacinta liiskii ka koobanaa 23-ka ee Jimcadii lasoo dhaafay uu Qoor-qoor kaga dhawaaqay magaala madaxda Dhuusamareeb.

Sidda ku xusan wareegtada kasoo baxdey xafiiska Qoor-qoor, Cabdinaasir Geelle Elmi ayaa loo xushay jagadda wasiirka Wasaarada Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha.

Sidoo kale, Maxamed Cabdi Maxamed ayaa waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda xanaanada Xoolaha, sidda ku xusan digreetada uu nuqul kamid ah arkay warsidaha Garowe Online.

Tani ayaa ka dhigan in wadarta guud ee wasiiradda ay haatan noqoneyso 25 xubnood. Waxaa ku jira mudaneyaal ka tirsan Aqalka Hoose ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Baarlamaanka ayaa qorshuhu yahay in ay dhowaan hortagaan si ay uga helaan codka kalsoonida. Lama shaacin waqtiga, wallow ay jirto cabsida faafitaanka cudurka dilaaga ah ee Covid-19.

Hal kiis oo positive ah ayaa laga xaqiijiyey degaanada Galmudug gaar ahaan koonfurta Gaalkacyo. Bukaanka oo karantiil gaar ah ku jira waxaa la fahansan yahay in uusan geli wax safar dhowaan.

Wareegtada magacaabida

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM