Qoorqoor oo booqday ciidamo loo diyaariyay la dagaalanka ‘AS’

Image

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowladda Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa booqday ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kasoo noqday fasaxyo gaaban oo ay ku jireen kuwaas oo hadda u diyaarsan in ay ku biiraan howlgalka ka dhanka ‘AS’.

Waxaa booqashadaan ku wehlinayay madaxweynaha Wasiirka gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamed Nuur iyo mudanayaal ka tirsan labada gole ee Dowladda.

Ciidankaan oo ku xareysan xerada Harqaboobe ayuu Madaxweynaha kula dardaarmay in ay ka libin ka keenaan dagaalka ka dhanka ‘AS’, kuna daysadaan ciidamadii guuldarrada gaarisiiyay kooxda maalmihii la soo dhaafay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib ugu soo celiyay Madaxweyne Qoorqoor mas’uuliyadda abaabulka iyo kormeerka dagaalka ay dawladdu kula jirto kooxaha xaqjirka ah ee ka dagaalamaya Dowladda Galmudug.

Madaxweynaha ayaa ka ambabaxay magaalada Dhuusamareeb, isaga oo tagay magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ka dibna uu safar ku tagay dalka Eriteria halkaas ay ku sugan yihiin ciidamo Soomaali ah oo tababar ugu socdo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM