Qoorqoor: Waa noo sharaf in nala barbardhigo Puntland

Image
Madaxweynaha Galmudug ayaa ka jawaabaya hadalheynta baraha bulshadda ee colaada Guriceel.

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Madaxweynaha Galmudug, Axmed Qoorqoor ayaa si aan toos ahayn u sheegay in maamulkiisa ay sharaf u tahay in lala barbardhigo doorashada qof iyo qof ee Puntland.

Balse, Qoorqoor oo ka hadlay magaalada Guriceel ayaa daaha ka rogay in uusan marnaba aqbali doonin dibin-daabo ka dhan ah dowlad goboleedkiisa oo cidda maleegeysa uusan soo bandhigin.

"Annaga na dhaliila oo xitaa been naga sheega siyaasadda ayaa iska ah waxyaabaha qaarkood laakiin nuuca aad tihiin hadda waa la idin bartay ee dadka ha isa sii barinina, Dowladnimada, Sharciyadda & Wadajirka Galmudug difaacda, qof qaldana xumaan aad wadato iyo xil aad raadineyso oo si xun u fakireyso haku saacidin".

Sida laga soo xigtay Qoorqoor, Galmudug uma baahna mas'uuliyiin marka ay xil hayaan ammaanaya degaankooda balse marka ay xafiisyadda baneeya dhaleeceyn kala dul-dhacaya.

"Ha noqon qof marka uu kursi ku fadhiyo dhahaayo arlada Galmudug ayaa ugu wanaagsan haduu waayana ceeba aysan laheen Galmudug u raadinaaya," ayuu tibaaxay.

Dhawaqan ayaa u muuqanaya mid uu ku durayo wasiirkiisii hore ee ammaanka, Axmed Macalin Fiqi, kaasoo maalmihii lasoo dhaafay baraha bulshadda u marinayey maamulka Qoorqoor.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Qoorqoor ayaa hoosta ka xariiqay in uu ka shaqayn doono sidii Galmudug uga qabsoomi lahayd coddeyn qof iyo cod balse ma fahfaahin qaabka uu ku hirgelinayo.

"Galmudug maamul kasta oo ka jira Soomaaliya waxay la la jeceshahay horumar. Waxaan arkayey qaar dhahaya [Puntland] doorasho qof iyo cod ah ka dhacda xagana [Galmudug dagaalo]," ayuu xusay.

Wuxuu carabka ku adkeeyay: "Sharaf ayay noo tahay in nagula dhaliinayo maxaa qof iyo cod u qaban waydeen anaga oo joogna hal sano iyo bar, waana qabanaynaa".

Inkasta oo Qoorqoor uusan soo hadal-qaadin Puntland, haddana maamulka wuxuu dhowaan gaashaanka ku dhuftey eedeyn kaga timid baraha bulshadda oo ahayd in uu hurinayo colaadda Guriceel.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM