Qoraalkii NISA oo la sheegay in lagu "soo jiidanayo" dano shisheeye

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madasha Xisbiyadda Qaran ee Soomaaliya ayaa caddeysay mowqifkeeda ku aadan qoraalkii NISA ku sheegtay in weerarkii Ex-kontarool Afgooye uu qorsheyntiisu lahaa dal shisheeye.

War-saxaafadeed ku qoran English oo kasoo baxay xisbiyadda mucaaradka ayaa bayaanka hay'adda sidoonka ku sifeeyay "mid lagu daboolayo xaqiiqadda dhabta ah ee is-miidaaminta".

Bayaankan uu warsidaha GO arkay ayaa "ujeedada" hadalka hay'adda ku qeexay "soo jiidashadda dano shisheeye oo ku lug leh loolanka juqraafi siyaasadeed ee ka socda Soomaaliya".

Warka qoraalka ah ayaanan lagu soo bandhigin magaca dhinacaas.

"Ujeedada labaad waa in si khiyaano ay ku jirto loo qaboojiyo carrada shacabka ka qaadey dhimashada, dhaawaca iyo burburka ka dhashay fashilka hay’adda ee ah in ay ururiso macluumaad sirdoon oo ka hortagi karay weerarkaas," ayay ku dartay warqadda oo ku taariikheysan 1-da January, 2019.

Qoraalka ayaa "ceeb" ku tilmaamay "ujeedooyinkaas ay xambaarsaneyd" warbixinta 'bilowga ah' hay'addu sheegtay in ay u gudbisay madaxda sarre ee dalka.

Madasha oo sheegtay "in ay ka xun tahay hab-dhaqankaas" ayaa ku waanisay Wasaaradda Amniga Soomaaliya in ay ka fogaato baahinta "warar marin habaabin iyo abuurista cadow aanan jirin".

30-kii December, 2019, NISA ayaa qaraxaas oo noqday midkii 3aad ee ugu dhimashadda badnaa taariikhda Soomaaliya la xiriirsay dal shisheeye saacado kadib markii wargeys Turki ah ku eedeeyay Imaaraadka.

Dhacdadaas oo dadka ku naf-waayey badankooda ay shacab yihiin ayaa dibadda u soo saarey jahwareerka hay'addaha dowladda Farmaajo maadaama madaxweyne Farmaajo si rasmi ah ugu eedeeyay Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM