Qoysas Jubbaland laga masaafuriyay

Image

21 September, 2015(GO)-Wararka ka imaanaya magalada Kismayo ayaa sheegay in deegaanada Jubbaland laga masaafuriyay 60 qoys sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha ciidamada ammaanka Kismaayo.

Dadka la masaafuriyay ayaa isugu jiray Haween iyo Caruur, waxaana lagu eedeeyay inay fududeyn jireen qaraxyada ka dhaca Kismayo, maadaama Aabayaasha qosaskaasi ka midyihiin hor joogayaasha Shabaab.

Badi dadkaasi waxa loo musaafuriyay, deegaannada Jubbooyinka, sida Jamaame, Jilib, Bu'aale iyo Kamsuuma, sida uu VOA u sheegay afhayeenka ciidamada nabad sugidda Kismaayo  Axmed Maxamed Maxamud (Axmed Carab).

Wuxuu ku eedeeyay haweenka la masaafuriyay inay fududeyn jireen qaraxyada iyo falalka ammaan-darrada ah ee ka dhacaya magaalada.

Gawaari ayaa ka qaaday Kismayo, waxayna geenayaa goobaha Al-Shabaab ka taliso qoysaskooduna ku suganyihiin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM