Qoyska Almaas oo soo bandhigay codsi ku aadan baaritaanka kiiska

Image

TORONTO, Canada – Qoyska iyo Ilwaad Elman ayaa waxay ka falceliyeen geerida walaashood, Almaas, ku timid 20-kii bishaan November sanadkan 2019.

Marxuumadda ayaa xabad waxay ku dishay wadada xiriirisa garoonka Aadan Cadde iyo xarunta Xalane oo ay kaga qeybgashay kulan uu Midowga Yurub agaasimay.

Howlgalka nabad-ilaalinta Soomaaliya ee AMISOM ayaa meesha ka saarey in dhimashadeedu ahayd "shirqool" wuxuuna caddeeyay in uu ka qeybqaadanayo baaritaanka.

Booliska Soomaaliya ayaa tilmaamay in khuburo kale oo caalami ah ay door ku yeelan doonan gal-dacwadeedka baaritaanka kiiska oo laga furay hay'adda CID-da.

Almaas oo uur lahayd ayaa ahayd mid u ololeysa arrimaha nabadda waxayna sidoo kale sarkaal dhanka warbaahinta qaabilsan u ahayd ururka Midowga Yurub.

Ilwaad, walaasheed, ayaa war-saxaafadeed reerka kasoo baxay waxay ku dalbatay baaritaan adag oo lagu sameeyo qaabka ay ku timid toogashadda.

Shaqsiyaad aysan magacaabin ayaa waxay ku waanisay in dhimashada Almaas aysan ku lifaaqin xaaladaha kale ee ku xeeran. Ma bixin tafaasiil dheeri ah

Qoyska ayaa sidoo kale waxa uu bayaanka, oo ku qoran Af Soomaali, ku codsaday baaritaanka ay si wadajir ah u sameeyaan Soomaaliya iyo Canada.

Hoos ka akhariso qoraalka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM