Qoyska Ikraan oo ka hor-yimid warbixinta guddiga baaritaanka

Image
Hooyadda Ikraan ayaa sheegtay in ay kalsoonida kala noqdeen maxkamadda ciidamadda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Qoyska Ikraan Tahliil Faarax ayaa naqdiyey warbixinta horudhac ah ee kasoo baxdey guddiga dowladda federaalka Soomaaliya ay u saartey baaritaanka gal-dacwadeedkan.

Qaali Maxamuud Guhaad, oo ah hooyadda Ikraan, ayaa sheegtay in aysan "aqbali karin" warbixinta oo ay ku tilmaamtay in ay tahay "been lasoo dhoodhoobay oo ay ka shaqeeyeen dambiileyaasha".

"Waa wax qaldan. Waa wax lasoo dhoodhoobay. Ninkii maanta dhawaaqayna ma ahayn qofkii aan galka u dhiibanay. Wax bini'aadanimo iyo Soomaalinimo ku qanacsan ma ahan," ayay tiri Guhaad.

Sida laga soo xigtey Qaali oo u warantey laanta afka Soomaaliga ee VOA-da, qoyska Ikraan ayaa ku adkeysanaya in gabadhooda ay ku maqan tahay gacanta NISA "waxaana dalbanaynaa cadaalad".

Iyadda oo hadalkeeda sii wadata, Qaali oo sheegtay in ay kalsoonida kala noqotay maxkamadda ciidamadda ayaa hoosta ka xariiqay in la masaxay (la tirtiray) kaamirooyinka duubay "sida loo afduubay Ikraan".

"Somaaliya dhibaatadda haysata waa cadaalad daradda maxaa yeelay nimankii aniga gabadheyda dhibaateeyay ayaa la leeyahay ayaa gal keenay. Waa xoog sheegasho. Xoogga ilaahey ha tusiyo," ayay xustey.

Ugu dambeyntii, Qaali oo carabka ku dhufatay in ay wali kalsooni ku qabto in ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble uu cadaalad u keeni karo ayaa ugu baaqdey culimada in ay ka qaylo-dhaamiyaan qadiyadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaxootiga Cadaanka Koonfur Afrika oo soo gaaray Mareykanka

Markii ay soo gaareen garoonka Washington Dulles International Airport ee Virginia…

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 06:59PM

Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka oo ka xumaadey Khudbad Xamse ku weeraray Axmed Madoobe

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qabtay dhamaadkii sanadkii hore doorasho dadban oo isaga kusoo baxay markii 3aad.

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 10:20AM