​Queen Elisabeth II oo xaflad loogu qabtay Muqdishu

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU- Ra'isal wasaaraha dowladda Federalka iyo mas'uuliyiin katirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta ka qayb galay munaasabad lagu xusayay dhalashada boqoradda Ingiriiska Queen Elisabeth II.

Xuskaasi oo lagu qabtay magaalada Muqdishu caasumadda Soomaaliya, ayaa laga soo jeediyay taariikhda boqoradda dalkaasi, waxaana loo diray hambalyo ku aadan waqtigii ay dhalatay, waxaana soo qaban qaabiyay safiirka Britain u qaabilsan dalka Soomaaliya.

Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake, oo khudbad kooban ka jeediyay xuskaasi ayaa hambalyo u diray Queen Elisabeth II, wuxuuna dalkaasi ku ammaanay doorka ay ka qaateen hormarinta Soomaaliya iyo dib u dhiska hadda socda.

Qabashada xuskan ayaa kusoo aadaya xilli muddooyinkii dambe magalada Muqdishu kusoo badanayeen munasaabadaha ay ku dhigayaan waddamada safiirradoodu ka howl galaan caasumadda Soomaaliya, waxaana xaflad sidaan oo kale ah Ra'isal wasaare Cumar kala qayb galay mas'uuliyiin katirsan dowladda Ethiopia kuwaas oo u dabaal dagayay maalinta midowga qowmiyadaha waddankaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM