Ra’iisul Wasaaraha oo amniga dalka kala hadlay Wasiirka Difaaca Kenya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa Kulan kula qaatay hoygiisa Wasiirka Difaaca Dowladda Kenya Aadan Barre Ducaale oo maanta soo gaaray Muqdisho.

Labada mas'uul ayaa ka wada hadlay xoojinta amniga labada dal iyo sidii wadajir la’isaga kaashan lahaa ciribtirka iyo la dagaallanka 'AS', sida ay daabacday warbaahinta dowladda.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay dhibaatada kooxaha xagjirka ah in ay saameyn ku wada leedahay waddamada gobolka, ciribtirkooduna uu wax weyn ka beddellayo amniga, nolosha iyo horumar ka tisqaada gobolka.

Wasiirka Difaaca Kenya Aadan Barre Ducaale, ayaa dhankiisa ku bogaadiyey Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed guulaha wax ku oolka ah ee ay ka gaareen dagaalka ka dhanka ah AS, wuxuuna ballan qaaday in Dowladdiisu ay kaalin muuqata ka qaadan doonto sidii loo soo afjari lahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Ammaanay Guusha Puntland ka gaartay Dagaalka Daacish

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada ammaanka Puntland ay wadaan hawlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 04:13PM

Soomaaliya oo Safiir Cusub u Magacowday Suuriya oo tan iyo 2011 dagaal ku jirtay

Danjirihii hore ee ku-meel gaarka ahaa, Daahir Maxamuud Muuse, ayaa horey u aas-aasay wadashaqeynta dib u furashada xiriirka.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 03:55PM