Ra’iisul wasaaraha oo booqasho rasmi ah ku tagay dalka Qatar

Image

DOHA, Qatar - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta oo Isniin ah u ambabaxay dalka Qatar, halkaasoo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo qaadan doonta muddo saddex maalmood ah.

Booqashadan waxaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehliyey Wasiirka Maaliyada Dr. Cilmi Maxaamud Nuur, Waaiirka Arrimaha Dibadda Abshir Cumar Jaamac, Wasiirka Waxbarashada Faarax Sheekh Cabduqaadir, iyo Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Axmed Shiikh Doodishe.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhigiisa Qatar kala hadli doono xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, amniga iyo arrimaha bini’aadanimada

Socdaalkan ayaa xigi doona safar uu ra’iisul wasaaraha ku tagi doono Magaalada New work ee Mareykanka si uu uga qeyb galo shir sannadeedka Qaramada Midoobay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM