Ra’iisul wasaaraha oo booqday degmada Aadan Yabaal

Image
Image
Image

AADAN YABAAL, Soomaaliya - Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa Maanta booqasho ku tagay degmada Aadan Yabaal ee ku taala gobolka Shabeelaha dhaxe kana mid ah deegaanadii wajiga 1aad looga xoreeyay kooxda Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyey mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha kala duwan ee dowladda iyo hoggaanka ciidamada xoogga dalka, waxaana halkaasi si weyn ugu soo dhaweeyey shacabka ku dhaqan degmada.

Sida ay sheegtay warbaahinta dowladda socdaalkan ayaa ujeedkiisu yahay sidii saraakiisha ciidamada xoogga dalka iyo dadka deegaanka loogu dhiirigelin lahaa dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.

Warsidaha Garowe Online ayaa horey u shaaciyey in xubin sare oo kamid ah dowlada Federaalka booqan doono ciidamada dowlada Federaalka ee ku sugan furumaha. 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulamo la qaadan doona madaxda ciidamada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, si uu wax uga ogaado isbadalka ka dhacay degmada mudadii ay gacanta dowladda ku jirtay.

Booqashadan ayaa ka horreyso kuwoo kale oo madaxda dalka ay ku tagayaan deegaanada laga saaray argagixisada si ay u garab istaagaan ciidamada, kuna ogaadaan baahiyaha ay qabaan bulshada deegaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM