Ra'iisul Wasaaraha oo furay shirkii Baydhabo

Image
Image
Image
Image

Axad, Sept 14, 2014 (Garowe Online)- Ra'iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed oo gelinkii dambe ee maanta isaga iyo wafdi uu horkacayaa ay Baydhabo gaareen, ayaa si rasmi ah u furay shirka dib u heshiisiinta iyo dhismaha Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed ee ka kooban saddexda gobol.

Ra'iisul Wasaaruha oo furitaanka shirka khudbad ka jeediyey, wuxuu sheegay inuu si aad ah ugu rajo weyn yahay in shirkani uu horumar iyo baraare u horseedi doono bulshada ku dhaqan gobollada Bay iyo Bakool.

"waxaa maanta  sharaf ii ah inaan si rasmi ah u furo shirkii dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed... waxan rajaynayaa in shirkani uu horseed u noqdo kalsooni dhisidda dadka wada dagan gobolladan..." Mudane Cabdiweli ayaa sidaas yiri.

Gudoomiyaha Baarlammaanka Maxamed Cismaan Jawaari oo isna madasha ka hadlay, wuxuu sheegay in shirka maanta Baydhabo ka furmay uu gogol xaal u yahay sidii looga gudbi lahaa khilaafka siyaasadeed ee jira.

"shirkani wuxuu qayb ka yahay tallaabooyinka la rabo in lagu dhameeyo mad-madowga ku dhexjira dadka gobolladan dega, waana muhiim in shirku uu ku bilowdo qalbi furnaan.." Guddoomiyaha Baarlammaanka ayaa sidaas yiri insagoo intaas raaciyey in isu tanaasulku uu muhiim yahay.

Shirka dib u heshiisiinta beelaha dega gobollada koonfur galbeed Soomaaliya oo socon doona mudo 45 cisho ah wuxuu ka kooban yahay saddex weji. Wejiga koowaad ayaa noqonaya dib u heshiisiin guud iyo is cafin, wejiga labaad marka la gaaro waxaa la mideynayaa aragtiyaha kala duwan ee ku saabsan dhismaha Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed, halka wejiga seddexaad ee ugu dambeeyana uu yahay in la gudagalo dhismaha maamulka KMGka koonfur Galbeed. 

GAROWE ONLINE.

Related Articles

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM

Dowladda Soomaaliya oo Bandow ku soo Rogtay Baydhabo Kadib Xiisado Siyaasadeed

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Asad Osman Abdullahi, oo maalmahan kulamo la lahaa saraakiisha booliska ee Baydhabo.

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 08:58AM