Ra’iisul Wasaaraha oo Hambaliyo u diray Macallimiinta Soomaaliyeed

Image

MUQDIHSO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ugu hamblayeeyey macallimiinta iyo qoysaskooda Maalinta 21 Nofeembar oo ku beegan Maalinta Macalinka Soomaaliyeed.

“Macalimiinta Soomaaliyeed waxay u soo dhabar adaygeen xaalado adag oo ay ku badbaadiyeen jiilal dhan oo iyaga la’aantood maanta aan waxba baran lahayn.” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadiisa ay qaadatay saddex kun oo macalimiin cusub ah, kuwaasi oo ka hawlgala guud ahaan gobodallada dalka, iyadoo sannadka cusub ee 2024ka ay diyaarisay miisaaniyadda saddex kun oo macalin oo kale.

Maanta ayaa si weyn dalka looga xusay Maalinta Macalinka Soomaaliyeed iyada oo inta badan xarumaha Waxbarshada gobolka Banaadir la fasaxay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM