Ra’iisul wasaaraha oo ku baaqay in aan la dhayalsan halista roobabka ku soo wajahan dalka

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa digniin u diray shacabka Soomaaliyeed oo uu uga digay qatarta ka dhalan karta roobabka iyo fatahaadaha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu ku guda jiray kormeerka uu ku tagay xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee magaalada Muqdisho waxa uu u kuur galay sida ay ugu diyaarsan yihiin roobabka xooggan ee dalka ka da’aya iyo fatahaadaha.

Waxa uu ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay dadaallada lagu xakameynayo musiibooyinka, waxa uuna kula dardaarmay mas’uuliyiinta in ay sii laba jibaaraan dadaallada looga hortagayo dhibaatooyinka imaan kara.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa si gaar ah uga digay dadka ku nool hareeraha webiga inay ka fogaadaan jiinkiisa, maadaama ay halis ugu jiraan fatahaado xooggan.

Sidoo kale, waxa uu ugu baaqay Hay’adaha Samafalka ee ka hawlgala dalka inay si dhow ula shaqeeyaan Hay’adda Maareynta Musiibooyinka si ay ugu diyaar garoobaan aafooyinka soo socda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM