Ra’iisul wasaaraha oo ku baaqay in aan la dhayalsan halista roobabka ku soo wajahan dalka

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa digniin u diray shacabka Soomaaliyeed oo uu uga digay qatarta ka dhalan karta roobabka iyo fatahaadaha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu ku guda jiray kormeerka uu ku tagay xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee magaalada Muqdisho waxa uu u kuur galay sida ay ugu diyaarsan yihiin roobabka xooggan ee dalka ka da’aya iyo fatahaadaha.

Waxa uu ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay dadaallada lagu xakameynayo musiibooyinka, waxa uuna kula dardaarmay mas’uuliyiinta in ay sii laba jibaaraan dadaallada looga hortagayo dhibaatooyinka imaan kara.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa si gaar ah uga digay dadka ku nool hareeraha webiga inay ka fogaadaan jiinkiisa, maadaama ay halis ugu jiraan fatahaado xooggan.

Sidoo kale, waxa uu ugu baaqay Hay’adaha Samafalka ee ka hawlgala dalka inay si dhow ula shaqeeyaan Hay’adda Maareynta Musiibooyinka si ay ugu diyaar garoobaan aafooyinka soo socda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Ammaanay Guusha Puntland ka gaartay Dagaalka Daacish

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada ammaanka Puntland ay wadaan hawlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 04:13PM

Soomaaliya oo Safiir Cusub u Magacowday Suuriya oo tan iyo 2011 dagaal ku jirtay

Danjirihii hore ee ku-meel gaarka ahaa, Daahir Maxamuud Muuse, ayaa horey u aas-aasay wadashaqeynta dib u furashada xiriirka.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 03:55PM