Ra’iisul Wasaaraha oo markii ugu horreysay la kulmay Golaha Hannaanka Casriyeynta iyo Isbeddelka Soomaaliya

Image

MUQDISHIO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulankii ugu horreeyay ee Golaha Hannaanka Casriyeynta iyo Isbeddelka Soomaaliya, kaas oo looga gol-leeyahay in lagu dhiso, laguna kobciyo isbeddel horseedaya Horumar waara.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray waajibaadka looga fadhiyo xubnaha Golaha Hannaanka Casriyeynta taabogalinta hannaanka casriga ah ee la hiigsanayo in jiho cusub u horseedo nidaamka dowliga ah ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dib-u-dhiska kaabayasha dhaqaale iyo amni.

Todobaadkii hore ayuu Ra’iisul Wasaaruhu dhisay Golaha Hannaanka Casriyeynta iyo Isbeddelka Soomaaliya, kaas oo looga gol leeyahay in la abuuro laguna horumariyo isbeddello horseeda horumar waara, waxayna asaas u noqon doonaan xukuumad xasiloon oo tayo leh oo ka dhalata Soomaaliya, sida uu sheegay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

“Golaha Hannaanka Casriyeynta iyo Isbeddelka Soomaaliya waa mid abuuraya dadaallo wadajir ah oo ay iska kaashanayaan dhammaan wasaaradaha dowladda, dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ah, saaxiibada caalamiga ah, NGO-yada, ganacsatada iyo bulshada rayidka si loo horumariyo dowladnimada,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM