Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay madaxda Bangi Caalami ah oo dalka xarun ka furtay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta kulan la qaatay Madaxda Bangiga Zirat Katilim ee laga leeyahay dalka Turkiga.

Bangigan ayaa dhawaan xarun cusub ka hirgeliyay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Intii uu socday kulanka ayaa Ra’iisul Wasaare Barre waxa uu uga mahadceliyay madaxda Bankiga Zirat Katilim dadaalka ay ku bixiyeen hirgelinta xaruntan cusub ee Soomaaliya.

Waxa uu ku nuux-nuuxsaday in hindisahani uu kobcinayo iskaashiga ganacsiga, kobcinta dhaqaalaha, iyo xoojinta xiriirka ganacsi ee ka dhexeeya labada dal oo walaaltinimo qoto dheer ka dhexeeya.

Ra’iisul Wasaare Barre oo khudbad ka jeediyay kulanka ayaa ku dheeraaday fursadaha ganacsi ee baaxadda leh ee ka jira Soomaaliya, kuwaasi oo sugaya in laga faa’ideysto.

Kulanka dhexmaray Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxa Bankiga Zirat Katilim ayaa waxaa goob joog ka ahaa Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Ibraahim M. Yagli, isagoo hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay Munaasabadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM