Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo ku booriyay in kor loo qaado matalaadda dumarka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda JFS Saalax Axmed Jaamac ayaa ka qeyb qaatay munaasabad looga hadlay is-waafajinta shuruucda dalka ee ku aaddan matalaadda haweenka.

Mudane Saalax ayaa muujiyay sida ay dowladda uga go’an tahay xaqiijinta doorka haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin siyaasadda iyo matallaaddooda ku aaddan goleyaasha dowladda.

Intii ay munaasabaddu socotay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa ku baaqay in la kordhiyo matalaadda haweenka ee siyaasadda dalka. Wuxuuna ku nuux-nuux saday in haweenka Soomaaliyeed ay kaalin mug leh ka qaataan horumarka iyo soo kabashada Soomaaliya, gaar ahaan la dagaalanka ‘AS’.

Kulanka oo ay soo qaban qaabiyeen Ururka Haweenka ee Golaha Shacabka BFS, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa uddoomiyaha Labaad ee Baarlamaanka, Cabdullaahi Cumar Abshirow, iyo sidoo kale Wasiiro, Xildhibaano, iyo Masuuliyiin ka tirsan Golayaasha Dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Ammaanay Guusha Puntland ka gaartay Dagaalka Daacish

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada ammaanka Puntland ay wadaan hawlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 04:13PM

Soomaaliya oo Safiir Cusub u Magacowday Suuriya oo tan iyo 2011 dagaal ku jirtay

Danjirihii hore ee ku-meel gaarka ahaa, Daahir Maxamuud Muuse, ayaa horey u aas-aasay wadashaqeynta dib u furashada xiriirka.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 03:55PM