Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo ku booriyay in kor loo qaado matalaadda dumarka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda JFS Saalax Axmed Jaamac ayaa ka qeyb qaatay munaasabad looga hadlay is-waafajinta shuruucda dalka ee ku aaddan matalaadda haweenka.

Mudane Saalax ayaa muujiyay sida ay dowladda uga go’an tahay xaqiijinta doorka haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin siyaasadda iyo matallaaddooda ku aaddan goleyaasha dowladda.

Intii ay munaasabaddu socotay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa ku baaqay in la kordhiyo matalaadda haweenka ee siyaasadda dalka. Wuxuuna ku nuux-nuux saday in haweenka Soomaaliyeed ay kaalin mug leh ka qaataan horumarka iyo soo kabashada Soomaaliya, gaar ahaan la dagaalanka ‘AS’.

Kulanka oo ay soo qaban qaabiyeen Ururka Haweenka ee Golaha Shacabka BFS, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa uddoomiyaha Labaad ee Baarlamaanka, Cabdullaahi Cumar Abshirow, iyo sidoo kale Wasiiro, Xildhibaano, iyo Masuuliyiin ka tirsan Golayaasha Dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM