Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo qaabilay Orodyahan bilad u soo hooyay Soomaaliya

Image
Cabdullaahi Jaamac Maxamed ayaa dhawaan billad ugu guuleystay orodka 5000 ee mitir ee Cayaaraha Afrika.

Muqdisho, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Saalax Axmed Jaamac, ayaa xafiiskiisa ku qaabbilay Cabdullaahi Jaamac Maxamed oo ah Orodyahan Soomaaliyeed oo billad qalin ah Soomaaliya ugu soo guuleystay orodka 5000 ee mitir ee Kulankii 13aad ee Cayaaraha Afrikaanka (13th African Games), kaas oo ka dhacay Ghana.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa tilmaamay in Cabdullaahi uu yahay nin dhallinyaro ah oo ammaan gaar ah mudan, maadaama uu iskiis isugu xilqaamay in uu waddankiisa iyo calankiisa ku metelo fagaarayaasha ciyaaraha ee caalamiga.

“Cabdullaahi dadaalkiisa iyo go’aan-qaadashadiisu waxa ay dhiirragelin u yihiin dhallinyarada Soomaaliyeed, in aanay meel kale ka sugin ee horumarinta ay iyagu hormood u yihiin, iyo in guushu tahay mid la gaari karo, si walba oo caqabaduhu u badan yihiin”. Ayuu yiri Mudane Saalax.

Waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenku in Xukuumadda ay ka go’an tahay horumarinta karaanka dhallinyarada iyo sare-u-qaadidda xirfadahooda, si ay awood ugu yeeshaan in ay ka qayb qaataan suuqa shaqo-abuurka.

“Waxa aan ku kalsoonahay in Cabdullaahi iyo dhallinyarada la midka ah ee isxilqaamayaasha ahi ay guulo intan iyo ka weyn ba ah soo hoyin doonaan sidii aan hore u ga barannay,” ayuu raaciyey Saalax Axmed Jaamac.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM

Uganda oo xiriirka difaaca u jartay Türkiye, malaayiin dollarna ku waayi karta Soomaaliya

Arrintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan sida loo maalgelin doono howlgalka iyo in dalalka ciidamadooda ku sugan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 06:03AM