Ra'iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo rajo galiyay Soomaalida Minnesota

Image
Image
Image
Image
Image
Image

USA - Ra'iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka kadib markii uu kasoo qeybgalay Shirka 78aad ee UN-ka ee ka dhacay New York.

Xamza ayaa xaalada dalka uga warbixiyay jaaliyadda ugu badan ee Soomaalida ah ee ku nool Mareykanka oo ka qeybgalay xafladii xalay loogu qabtay Minneapolis.

RW Xamza ayaa carabka ku dhuftay guulaha ay dowladdu ka gaartay la dagaallanka Al-Shabaab, la dagaallanka musuqmaasuqa, horumarinta dib u habeynta maaliyadda, horumarinta bulshada, horumarinta amniga iyo horumarka laga gaaray hannaanka deyn cafinta.

"Soomaaliya hadda waxay leedahay dowlad xasiloon," ayuu Barre u sheegay dad gaaraya 1,600 oo isugu soo baxay Hotel DoubleTree ee Bloomington.

"Haddii aan la helin dowlad xasiloon, kama shaqeyn karno hagaajinta arrimaha amniga iyo caqabadaha kale ee uu dalku wajahayo."

Isagoo ku nuux-nuux saday baahida loo qabo in la taageero, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ugu baaqay Soomaalida Mareykanka ah inay ku taageeraan dowladda iyo shacabkeeda dagaalka socda ee dalka looga xoreynayo gacanta kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho uga billaabatay Israel

Kulankaas ka dib, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa furi doono safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus maalinta berri ah.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 08:15AM