Ra'iisul Wasaraha Somalia oo gaaray Baydhabo

Image

Khamiis,4.Septembar 2014[GO] Ra'iisul Wasaraha DF Cabdiwali Shiikh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Khamiis ah gaaray magalada Baydhabo xarunta Gobalka Bay.

Wafdiga Cabdiwali Shiikh ayaa garoonka diyaaradaha Baydhabo kulan kula yeelanaya wasiiro & Xildhibaano horay ugu sugnaa magalada kuwaasoo ka waday shirar kala duwan oo lagu taageerayo dowladnimadda iyo nidaamka Federaalka.

Wariyayaasha Baydhabo ku sugan ayaa loo diiday inay gudaha u galaan garoonka diyaaradaha oo shirar xasaasi ah uga socdaan madaxda DF iyo dhinacyadda kale ee isku haya magalada balse warar soo baxaya ayaa tilmaamaya inuu salka ku hayo kulamadaasi sidii loo taageeri lahaa mamulka saddexda gobal ee Baay.Bakool & Shabeelada hoose.

Horay magalada waxaa usoo gaaray Afhayeenka Barlamanka DF Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari wuxuna la kulmay dhinacyadda siyaasada mamul samaynta isku haya iyo qaybaha shacabka wuxuuna soo jeediyay in loo hoggaan samo heshiiskii lagu gaaray Muqdisho ee salka ku hayay mamul samaynta saddexda Gobal.

Socdaalka Cabdiwali ee Baydhabo oo aan horay loo shaacin ayaa imaanaya xili mamulka lixda gobal ka kooban uu ku kacsan yahay siyaasadda DF iyo tan QM waxana dhowaan Baydhabo ka dhacay banaanbax  Cabdiwali iyo Danjire Kay looga soo horjeedo.

Warar madax banaan oo soo gaaraya warsidaha GO ayaa tibaaxaya saacadaha soo socda inuu Cabdiwali Shiikh Axmed gaari doono degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool halkaasoo dhowaan ciidanka huwanta kala wareegeen xoogaga Al-Shabab.

Degmooyin muhiim ah ayaa maalmihii lasoo dhaafay Ururka Al-Shabab lagala wareegay waxana ugu danbaysay degmada Jalalaqsi oo ka tirsan Gobalka Hiiraan.

Howlgalka Badweynta Hindiya ayaa ku wajahan degmada Baraawe oo ay ku xoogan yihiin Al-Shabab.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Axmed Madoobe oo mar kale usoo gurmaday Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweynaha Jubaland ayaa la sheegay inuu xalay heshiis kale dhex-dhigay Xasan Sheekh iyo Laftagareen.

  • Soomaliya

    21-09-2024

  • 06:01AM

Golaha Wasiirada Jubaland oo ka shiray la dagaalanka kooxda AS

Wasaarada Amniga gudaha ayaa golaha la wadaagtay xogta howlgalada socda iyo khasaaraha.

  • Soomaliya

    19-09-2024

  • 01:40PM