Ra'isal wasaaraha Somalia oo tacsi u diray dhiggiisa dalka Imaaraadka Carabta

Image

19 September, 2015(GO)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Madaxweyne ku-xigeenka ahna Ra’iisul wasaaraha Isutagga Imaaraadka Carabta oo wiilkiisa Sheekh Rashid Bin Maxamed Bin Rashid Al Makhtoum uu ku geeriyooday maanta magaalada Dubai.

"Innaa lillaahi wa inaa Illeyhi raajicuun, waxaa na soo gaartay geeri naxdin leh oo ku timid alle ha u naxariistee Sheekh Rashid, waxaana alle uga baryeynaa inuu janadiisa ka waraabiyo" ayuu yiri Sharmake. 

Sharmake ayaa sidoo kale tacsi u diray qoyskii iyo qaraabadii u ka tagay Shiikhu.

"Aniga oo ku hadlaya magaceyga, kan Xukuumada iyo midka Somaliyeed, waxaan si gaar ah halkan tacsi ugu dirayaa Madaxweyne ku-xigeenka ahna Ra’iisul wasaaraha Isutagga Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Bin Rashid iyo dhamaan qoyska, qaraabada iyo shacabka Imaaraadaha Carabta ee ka baxay" ayuu yiri Ra’iisul wasaare Cumar.

Shiikh Rashid waxaa dhalay madaxweyne ku-xigeenka ahna Ra'iisul wasaaraha dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM