Ra'isulwasaare ku xigeenka oo ku baaqay in loo gurmado dadka ay saameysay xaalada El-Niño

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'isulwasaare ku xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac oo maanta booqasho ku tagay Xarunta Dhexe ee Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo loogu gurmanayo dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu kasoo gaartay fatahaadaha iyo daadadka xaalada El-Niño.

Ra'isulwasaare ku xigeenka ayaa yiri: “Waxaan bulshada Soomaaliyeed la wadaagaa saamaynta ka dhalatay fatahaado iyo roobab xoogga leh ee ka da’ay gobollada dalka, xog aan hayno dhimashu ku dhawaad waa 10 qof”.

Wuxuu sidoo kale sheegay in dowladu ay muddo ku jirtay abaabul iyo sidii wax loo gaarsiin lahaa dadka tabaalaysan ee dhibaatadu gaartay.

Wuxuuna ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan ganacsatada inay taageeraan bulshadu dhibku gaaray ee ku nool Gobalada xaalada deg dega ah ay ka taagan yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM