Raaligelin laga bixiyay "gefkii loo geystay" Xildhibaanada Koonfur Galbeed

Image
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa la sheegay inuu kulamo la yeeshay mudaneyaashan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Kusimaha madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ku guuleystay inuu xaliyo kala aragti duwanaansho soo kala dhex gashay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kuwaas oo kasoo kala jeeda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo sidoo kale Galmudug iyo Gobolka Banaadir.

Kusimaha madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xildhibaanadan kulankii ugu dambeeyay maanta ayaa marka kulanka uu soo gaba gabeeyay waxa ay si wadajir ah ula hadleen warbaahinta.

Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas iyo Senator Siciid Siyaad Shirwac ayaa Xildhibaanadda kasoo jeeda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ka uga garaabay falcelintii ay la kulmeen iyo sida loo fasiray hadal ay horey uga sheegeen warbaahinta.

Xildhibaan Dr. Cabdirashiid Maxamed Nuur Jilley oo ku hadlayay magaca xildhibaanadd kasoo jeeda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in dhankooda ay raali gelinta ay ka aqbaleen dhigooda ay kala aragti duwanaantu ka dhaxeysay islamarkaana laga wada shaqeeyo dowladnimada Soomaaliyeed iyo in meel looga soo wada jeesto cadowga umadda Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo ka digay cawaaqibka ka dhalan kara tallaabo militari oo lagu qaado mucaaradka

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale diiddan in doorashooyinka dalka loo wajaho hannaan aysan dhammaan dhinacyada siyaasadeed isku raacsanayn.

  • Soomaliya

    11-10-2026

  • 08:32PM

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM