Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo u ambabaxay Switzerland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wafdi uu hogaaminayo Ra'iisul Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta u ambabaxay dalka Switzerland xilli xiisad siyaasadeed ay wali ka taagan tahay magaalada Muqdisho.

Qoraal uu soo dhigay Barta Twitter-ka Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha, ayuu Khayre ku sheegay inuu magaalada Davos ee Switzerland uga qeybgali doono Shirka Madasha Dhaqaalaha Adduunka [World Economic Forum].

"Waxaan hogaaminayaa wafdi ka qeybgalaya Madasha Dhaqaalaha Adduunka ee ka furmaya Davos, Switzerland oo 3 maalmood socon doona," ayuu ku yiri RW Khayre qoraalka.

Waxa uu intaasi ku daray Ra'iisul Wasaaraha in socdaalkiisa uu ka dambeeyay casuumaadda uu ka helay hay'adda soo qaban-qaabisay Shirka [World Economic Forum], kaasi oo ay ka qeybgalayaan hogaamiyaal kale oo ka socda qaaradda Africa.

Safarka Khayre ayaa kusoo beegmaya xilli mudo bilooyin ah banaan yihiin Wasaarado ka tirsan Xukuumadiisa, iyo xilalka Taliyeyaasha ciidamada Booliska iyo Nabad Sugida, oo shaqada ka eryay kadib qaraxii Zoobe, 14-kii Oct.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo u safray dalka Algeria

Wafdiga Madaxweynaha ku wehliya safarka waxaa ka mid ah xubno ka tirsan golaha Wasiirrada Soomaaliy.

  • Soomaliya

    10-11-2025

  • 10:56AM

Aabbe lagu eedeeyay inuu gubay afar carruur ah oo uu dhalay oo lagu xiray Hargeysa

Dadka Deriska ayaa xaqiijiyay in lammaanaha ay isla soo muuqdeen maxkamad subaxnimadii dhacdadu dhacday.

  • Soomaliya

    10-11-2025

  • 06:07AM